Allbanaadir.com
NEWS

Bam Gacmeed lagu weeray Mid kamid ah Xarumaha Degmooyinka G/Banaadir xili xaflad ay…

Waxaa xalay fiidkii bam gacmeed lagu weeraray xarunta Degmada Waabari ee gobolka Banaadir, xili xaruntaasi ka socotay Xaflad lagu abaal marinayay arday ku guuleesatay Tartan quraan akhris ah.

Xarunta Degmada gaar ahaan goobtii munaasabada ka socotay ayaa lagu kala cararay kadib markii bambaano lagu soo tuuray, waxaana argagax badan dareemay dadkii ku sugnaa gudaha xarunta.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa xarunta Degmada Waabari ayaa ku dhaawacmay bam gacmeedka, waxaana goobta isaga baxsaday ragii ka damkbeeyay bamka lagu tuuray xarunta degmada.

Xarunta degmada Waabari ayaa marar badan sidan oo kale loogu weeraray bam gacmeed, waxaana xusid mudan in weerarkii ugu dambeeyay ee bambaano ee lagu qaaday xaruntaasi uu dhacay bishii Ramadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka dowladda oo dilay xubno katirsan Al Shabaab dabna qabadsiiyay mootooyin

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Sida Jabuuti ugu dabaaldegtay Xuska Maalinta Xoriyada ee 27-ka Juun

Caydiid Ali

Maxaa ka jira Wararka sheegaya in Hanti Qaran laga dhoofinayo Dekedda Magaalada Muqdisho !!

admin
Taboola Ads ---