Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Doorasho Qof iyo Cod ah oo saakay ka bilaabatay Puntland (Daawo Sawirada)

Waxaa saakay doorasho qof iyo cod ah oo ay dhiibanayaan shacabka Puntland ka bilaabatay sadex degmo oo katirsan maamulkaasi, waxa ayna shacabka dooranayaan  golayaasha deegaanka ay ku tartamayaan Ururo siyaasadeed oo ka jira Puntland.

Doorashada ayaa saakay ka bilaabatay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, waxaana doorashada goleyaasha deegaanka ku tartamaya 8 urur siyaasadeed oo kala ah, Kaah, Mideeye, Horseed, Caddaalad iyo Sinnaan, Runcad, Mustaqbal, Ifiye iyo Shaqaalaha.

Shacabka kunool sadexda degmo ee saakay doorashada golayaasha deegaanka ka bilaabatay ayaa waxaa ku tartamaya  449 musharax, waxaana musharaxiintan ku tartamayaan 87-kursi oo golayaasha deegaanka ku matalaya sadexda degmo.

Doorashada ka socota Puntland ayaa waxaa isku diiwaan galiyay in codkooda dhiibtaan 37,578 qof, doorashadan ayaana saakay mid taariikhi ah oo dadku si weyn ugu soo baxeen in codkooda dhiibtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun maanta lagu ridayo Masuuliyiin iyo Saraakiil u xirnaa kiis Musuq maasuq

Cabdi Cade

Xildhibaanada Kutlada NISA oo xaalku ku xun yahay iyo Go’aankooda oo la sugayo

Cabdi Cade

Taliye & Abaanduule cusub oo loo Magacaabay Qeybta 21-aad ee Ciidanka XDS (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---