Afar Senator oo maanta lagu doortay magaalada Kismaayo (Akhriso Magacyada)

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo dhameestirtay sideeda xubnood ee Aqalka Sare ugu matalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.

Waxaa maanta Kismaayo ka dhacday doorashada afar kursi oo u harsanaa Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana kuraastan ku tartamayay ilaa 8-Musharax iyadoona guusha raacday afar kamid ah Musharaxiintii tartameysay.

Xubnaha Aqalka Sare ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo ayaa labo kamid ah rag ahaayeen halka labada kalana ay dumar ahaayeen, waxaana Jubbaland buuxisay qoondada dumarka oo horey uga reebtay afartii kursi ee horey loo doortay.

Halkan ka Akhriso Xubnaha maanta la doortay

1- Leyla Nuux Maax

2-Ibraahim Ow Gaab Cismaan

3- Maryan Faarax Kadiye

4-Xasan Daahir Yarow

Xubnaha Aqalka Sare oo ka kooban 54-Xubnood ayaa lasoo doortay 52-labo kamid ah, waxaana harsan labo kursi oo la filayo in laga soo doorto magaalada Dhuusomareeb ee Dowlad goboleedka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -