Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Masjid Taariikhi ah oo lagu bur buriyay Gobolka Amxaarada iyo Muslimiinta oo ka carootay

Dagaalyahano katirsan Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa lagu eedeeyay in ay bur buriyeen masaajid taariikhi ah oo kuyaala magaalada Zarema, ee waqooyiga Gondar ee gobolka Amxaarada.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay dagaalyahanada daacada u ah Jabhada TPLF in ay laayeen arday wax ka dhiganaysay madaraso lagu barto diinta Islaamka oo kutaala gobolka Amxaarada ee Dalka Itoobiya.

Golaha Sare ee Arrimaha Muslimiinta ee gobolka Amxaarada, ayaa sheegay in “argagixisada TPLF ay burburiyeen Masjid taariikhi ah oo ku yaal magaalada Zarema, ee waqooyiga Gondar, iyagoo la dhacay madaafiic culus.

Xoghayaha guud ee Golaha Sare ee Arrimaha Muslimiinta ee gobolka Amxaarada, Xaaji Maxamed Xasan, ayaa sheegay in kooxda TPLF ay wado falal ka dhan ah diinta Islaamka ayna beegsanayaan goobaha cibaadada.

Masjidkan kuyaala magaalada Zarema ayaa la sheegay in uu dhisnaa boqolaal sano, waxaa sidoo kale kooxda TPLF lagu eedeeyay in ay bur buriyeen masaajid iyo goobo kale oo lagu barto diinta Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/Kbeh9LTa6Xg

Related posts

DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay aaga hotelka SYL iyo Wararkii u dambeeyey

Caydiid Ali

Khayre Oo Booqasho Ugu Tegay Ciidamo ku jira Xerada Gen. Gordan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiynimada Cumar Filish oo maqaamka Caasimada Muqdisho hoos u dhigay, iyo maalmaha u haray oo kooban

admin
Taboola Ads ---