Madaxweyne Farmaajo oo kulan Xasaasi ah la qaatay Wasiirka Amniga iyo Jen Bashiir Goobe

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  kulan albaabada u xirnaayeen xarunta Madaxtooyada kula qaatay Wasiirka Amniga Xukuumada C/llaahi Maxamed Nuur iyo Agaasimaha KMG ee NISA Bashiir Goobe.

Kulankan hada ka socda Villa Soomaaliya ayaa la sheegay in qabsoomidiisa kasoo shaqeeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen.

Sida aan wararka ku heleyno kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay xil ka qaadistii Fahad Yaasiin iyo magacaabista Bashiir Goobe iyo sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha Cabdulaahi Maxamed Nuur.

Kulankan ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa daba socda kulan xalay Madaxtooyada ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kulamadan ayaana xal loogu raadinayaa khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -