Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo ka digay Aargudasho Al Shabaab sameeyaan

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ee lagu gumaaday weeraradii dhawaan kusoo qaadeen saddex deegaan oo dhaca Jubadda Hoose, mar kale isku dayi doonaan in aargudasho sameeyaan.

Axmed Madoobe oo la hadlayay ciidamo ku sugan deegaanka Buuloxaaji oo booqasho dhiirogelin ah ugu tagyay ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab lagu xanuujiyay weerarkii ay soo qaadeem, waxa uuna xusay in meydadkooda wali jidadka yaalaan dhaawacoodana la’yihiin meel ay ku daaweestaan.

Waxa uu sheegay Madaxwe6naha in ciidamada looga baahan yahay in ay galaan heegan buuxa una diyaar garoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro kale oo aargudasho ah oo ay suurto gal tahay in kooxda Al Shabaab mar kale soo qaadaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaana sheegay in kooxda Al Shabaab ay hadda qabaan utun ayna suurti gal tahay in aargudasho sameeyaan, waxa uuna ciidamada ugu baaqay in guusaha ay hadda gaareen sii hariyaan una diyaar garoobaan fashilimta weerar kasta ay Al Shabaab soo abaabulaan.

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Buuloxaaji iyo saddex deegaan oo kale ayaa fashiliyay weeraro Al Shabaab kusoo qaadeen labo malain kahor, waxaana Al Shabaab halkaasi lagu gaarsiiyay jab xooggan ay adag tahay in ay si fudud uga soo kabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo beri fasaxday Shaqaalaha rayidka ah (Sababta)

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Arrimo kala duwan kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Hoggaamiyaha SSC oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---