Maxay ka wada hadleen Wasiir C/risaaq & RW Shiikh Sabah Khaled Al-Hamad?

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Kuwait ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaas Shiikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xariirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, iyadoo RW Shiikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah uu balan-qaaday in dalkiisu xoojinayo taageerada Somalia oo uu xusay iney ka soo kabaneyso dagaalo iyo burbur.

Dhanka kale Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Axmed Nasser Al-Mohammed Al-Sabah.

Labada dhinac ayaana ka wadda hadlay iskaashiga iyo xariirka labada, iyagoo dib u eegis ku sameeyay horumaraddii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay fagaarayaasha Gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -