Degmada Guriceel oo caawa haawaneysa iyo ciidamada huwanta oo kaabiga u saaran

Degmadda Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa la soo sheegayaa iney caawa haawaneyso, ka dib markii ay iskaga barakaceen inta badan dadka Shacabka ee daganaa, xiisada dagaal ee halkaas ka taagan awgeed.

Waxaa sidoo kale xiran goobaha ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka sida wararku nagu soo gaarayaan.

Dadka ayaa walwal badan ka qaba in caawa ama Berri uu dagaal qarxo maadaama ay aad iskugu soo dhowadeen difaacyadda labada Ciidan ee ahlu suna iyo kuwa Galmudug oo gacan ka helaya ciidamada DF.

Ciidanka huwanta ayaa saacadihii u dambeeyey dhowr jaho kaga siqay Magaalada Guriceel iyagoo meelaha qaar u jira wax ka yar 6Km.

Wararka caawa la helayo  sheegaya in Ciidamada Dowlada ay galabta fariisimo cusub ka dhigteen deegaanka Gowd Wiil oo dhanka waqooyi Bari Guriceel kaga beegan.

Sidoo kale ciidamo kale ayaa caawa lagu daabuley qaybaha Koonfurta Magaalada gaar ahaan Jafanjeef, halka Kooxda Ahlusunna wado dhaqdhaqaaq ay magaalada ku difaacaneyso, iyagoo qotay dhufeysyo.

Waxaa guul dareystay dedaalo nabadeed oo ay wadeen beelaha degaanka kuwaasoo lagu doonayey in kooxda ahlu suna laagu qanciyo iney isaga baxaan degmada Guriceel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -