(Sawirro) Booliska Somalia oo sheegay iney gacanta ku dhigeen qaraxyo la diyaarinayey

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay howlgal qorsheysan oo ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu soo qabtay miinooyin la diyaarinayey iyo hub kale oo wax lagu gumaado.

“Cutubka La dagaallanka Argagixisada Boliiska Soomaaliya ayaa Howlgal qorsheysan oo uu ka fuliyay degmada Afgooye ayaa Gacanta ku soo dhigay Miinooyin Farsamo ku socotay, Banbaanooyin Gacmeedyo iyo baaruuda Miinooyinka loo isticmaalo” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in Boolisku ay ku daba jiraan shaqsiyaadkii ku lug lahaa farsamada qaraxyadan, ayna sii socon doonaan howlgalada noocan ah ee lagu xaqiijinayo amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -