Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Joe Biden oo Aqalka cad ku qaabilaya Madaxweynihii ugu horeeyey ee Afrikaan ah

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu Aqalka Cad kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Uhuru ayaa booqasho labo maalmood ah ku joogaa Mareykanka, isagoo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo la kulmaya Joe Biden tan iyo markii xilka loo caleemo saaray.

Mareykanka ayaa Kenya u arkaa saaxib muhiim marka ay timaaddo la dagaallanka argagixisada gobolka.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay ka wadahadli doonaan arrimo ay kamid yihiin amniga iyo saameynta isbaddalada cimilada iyo arrimaha geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal xooggan oo maalintii Saddexaad ka socda Laascaanood iyo Wararkii U Dambeeyay

Cabdi Cade

Haitam bin Tariq oo warqadaha ka gudoomay Safiirka Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo ka hadlay sida Puntland u aragto qodobadii kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---