Ciidamadii Galmudug ee Gadoodka sameeyay oo la qanciyay laguna celiyay xeryahooda

Wararka ka imaanaya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xal laga gaaray lana qanciyay ciidamo katirsan Daraawiishta maamulka Galmudug oo gadood ka sameeyay lana wareegay kastam canshuuraha lagu qaado.

Ciidamada gadoodsan oo ka cabanayay mushaar la’aan soo wajahday ayaa la wareegay kastamka Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidankan dhoor maalin joogeen kastamkaasi ay lacagaha ka qaadanayeen.

Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug ayaa ku guuleestay in ciidamada laga saaro kastamka magaalada Gaalkacyo ayna dib ugu laabtaan saldhigyadii markii hore kasoo baxeen.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa loo balan qaaday in la dhageesan doono tabashadooda lana siin doono xaquuqdooda, waxa ayna ciidamada aqbaleen in ay ka tagaan kastamka ayna dib ugu laabtaan xeryahooda .

Gadoodka ay sameeyeen ciidankan katirsan maamulka Galmudug ayaa kusoo aadeysa xili uu is casilay Wasiirkii Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo isna kasoo jeeday Koonfurta Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -