Gujis Maraykanku leeyahay oo lagu weeraray meel ku dhow xeebaha Shiinaha

Markab nooca biyaha hoostooda quusa ah oo xambaarsan hubka nuclear-ka, ayna leeyihiin ciidamada Maraykanka ayaa wax la garan waayey ay ku dhaceen xilli uu dhex socday biyaha ku dhow badda Koonfurta Shiinaha.

Shilkan oo  dhacay Sabtidii ka dib markii markabka oo lagu magacaabo USS Connecticut ay ku dhaceen wax la garan waayey, 15 ka mid ah naaquudeyaasha ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud

Sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka ilaa hadda lama aqoonsanin sababta ay ku dhacday arrintan.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabkan uu hadda ku wajahan yahay dhulka uu Mareykanku leeyahay ee Guam.

“Wax jug ah ma aysan gaarin qaybta nuclear-ka ku tallaalan yahay ee markabka USS Connecticut, si fiican ayayna u shaqeynayaan qaybihiisa kala duwan,” ayuu yiri afhayeenka oo soo saaray bayaan.

Waxa uu sheegay in wali la qiimeynayo waxyeellada shilkaas kasoo gaartay markabkan sida hubka halista ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -