Israa’iil oo masjidka Al-Aqsa ka soo saartay go’aan cusub & caro ka dhalatay

Maxkamad ku taalla Israa’iil ah ayaa xukuntay in Yuhuudda ay si aamusnaan ah ugu gudan karaan salaadooda dhismaha  masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, oo ay si weyn u xushmeeyaan Muslimiinta.

Go’aankan ayaa horseeday caro ballaaran, iyadoo masjidka Al-Aqsa uu udub dhexaad u yahay khilaafka Israa’iil iyo Falastiin, wuxuuna haatan ka mid noqday bariga Qudus ee ay Israa’iil maamusho.

Golaha arrimaha Islaamka ee Waqf ee maamula masjidkaas ayaa xukunkaas maxkamadda ku tilmaamay daandaansi oo aan sharci ahayn, halka ra’iisul wasaaraha Falastiin Maxamed Shtayyeh uu uga digay Israa’iil tallaabo kasta oo lagu dhaqan gelinayo go’aankaasi.

Golaha Waqf wuxuu si cagajiid ah u siiyaa Yuhuudda marin xaddidan saacadaha qaarkood, balse joogitaanka Yuhuuddu ee Al-Aqsa ayaa muddo dheer taagnaa iyadoo qaylo-dhaan guud ay soo dirayeen dunida Muslimka ah.

Ma jiro sharci Israa’iil oo ka mamnuucaya Yuhuudda in salaadda ay ku tukadaan misaajidka, oo ah goobta saddexaad ee ugu barakaysan Islaamka.

Tan iyo 1967 oo ah sanadkii ay Israa’iil qabsatay bariga Qudus oo ay ku jirto Magaalada Qadiimiga ah ee Dagaalkii Lixda Maalmood, mas’uuliyiinta Israa’iil waxay meel mariyeen mamnuucidda salaadda Yuhuudda si looga hortago xiisadaha ka dhalan kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -