(Daawo Sawirro) Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay rag dhac hubeysan geysanayey

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay iney xabsiga dhigeen rag hubeysan oo dhac ka geysanayey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in raggan oo ka koobnaa afar nin ay wateen mooto bajaaj ay u adeegsanayeen dhaca Shacabka/

“Taariikhdu markay aheyd 8/6/2023 abaaro 6:30pm ciidanka boliiska qeybta guud gaar ahaan qeybta galbeed howlgal ay fulinayeen ayaa waxa ay gacan ku soo dhigeen afar eedeysane oo dhac u geysanayay bulshada  dagmada Wadajir watayna mooto bajaaj xarafka A taarigadeeduna tahay M3B109” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay iney raggan baaris ka dib la horgeyn doono heyadaha cadaalada si sharciga loo mariyo.

“Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin gaarsii saldhiga kuugu dhow ama wac numberka gaaban ee 991” ayaa lagu soo xiray hadalka Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -