Dowlada Soomaaliya oo Sheegtay in ay dishay Saraakiil sar sare oo katirsan Al Shabaab

Warbaahinta dowlada federaalka Soomaaliya ayaa baahisay in howlgal ciidamada milatariga Soomaaliya ka fuliyeen duleedka deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Sida ay ku warantay Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ee Sonna howlgalka ayaa yimid kadib markii ciidamada milatariga ka war heleen xubno katirsan Al Shabaab soo galeen duleedka deegaanka Baar-sanguuni.

Taliyaha guutada 11aad qeybta 43 ciidanka xooga dalka G/sare Caddoow Maxamed Sahal , ayaa sheegay in howlgalka ay fuliyeen ciidanka milatariga lagu dilay labo sargaal oo katirsan Al Shabaab iyo dagaalyahano ay hogaaminayeen.

Waxa uu sheegay taliyaha xubnaha howlgalka lagu dilay in ay ku jiraan Madaxii Jabhadaha Al Shababa ee gobolka Jubadda Hoose Cabdi Ibrahim Saleebaan iyo sargaal  kale uu sheegay in kuxigeen u ahaa.

Al Shabaab ayaana ka hadlin howlgalkan dowlada Soomaaliya sheegtay in ay ku dishay saraakiil iyo dagaalyahano katirsanaa kooxdaasi, mana jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya warkan kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -