Axmed Madoobe oo ka hadlay xiisaada ka soo cusboonaatay Galmudug iyo Ahlu sunna

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay xaaladda Doorashada iyo xaaladda Galmudug iyo khilaafka madaxda dowladda Federaalka.

“Waa nasiib darro iyadoo kuwii hore aan xal u la’ nahay inay caqabad kale kasoo kororto Ahlu Suna iyo Galmudug. Galmudug waa State sharciyad ku dhisan, madax la doortay leh. Wax kastoo caqabad ah oo maanta lagu kiciyo xalka qeyb kama qeyb noqoneyso” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu ku baaqay in la joojiyo gacan ka hadalka iyo caqabadaha dhibaatadda ku ah maamulka dowladnimada, wuxuuna dhinaca kale ku baaqay maamulka Doorashada loo madax bannaaneeyo Ra’iisal wasaaraha.

Doorashadii xubnaha ka harsan Aqalka Sare ee Jubbaland ayuu sheegay inay dhaceyso Isniinta Berri ah, ayna rajo badan ka qabaan in si deg deg ah loo guda galo Doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hadalkan jeediyey ka dib kulan uu Xarunta Madaxtooyada Kismaayo kula qaatay wafdi kasocda beesha Caalamka.

Wafdiga waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, masuuliyiin  kasocday Safaaradaha Sweden iyo Norway iyo xubno kale.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay dardar galinta howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa xubnaha ka dhiman Aqalka Sare taas oo gogol xaar u noqon karta bilwoga aqalka hoose iyo dhamaystirka howlha Doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -