RW Rooble: “Waa in laga dhiidhiyaa talaabada uu qaaday Maamulka Somaliland”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa talaabada ay Somaliland kaga soo masaafurineyso magaalada Laascaanood, dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Rooble ayaa nasiib darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed si qasab ah looga soo masaafuriyo magaalada Laascaanood

Dadweynaha reer Laascaanood ayaa ugu baaqay inay ka hortaagan, kana dhiidhiyaan falkaasi oo uu sheegay inuu yahay mid ceeb ah oo ka baxsan ilbaxnimada iyo dhaqanka Suuban ee shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka soo masaafurinaya boqolaal qof oo ku noolaa magaaladaasi, kana soo jeeda Koonfurta Soomaaliya

Dadkan ayaa waxaa magaalada Laascanood ka qabqabtay Booliiska Somaliland ka howlgala, waxaana la isugu geeyay xalay garoonka ciyaaraha Cabdi Bille, iyadoo gaadiid waaweyn loogu soo daabulay koonfurta Somalia.

Booliska ayaa beegsaday dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya guud ahaan kuwaasoo ay ugu badan yihiin kuwa ku hadla lahjada Maayga ee ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool, waxaana laga qabqabtay goobahooda ganacsiga, suuqyada iyo xaafadaha

Taliyaha Booliska gobolka Sool G/dhexe Axmed Cabdullaahi Cabdi. ee maamulka Somaliland ayaa sheegey inay ajnabi yihiin dadka kasoo jeeda Soomaaliya, ayna ula mid yihiin Itoobiyaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -