Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ra’isul Wasaare Rooble oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Baraawe (Sawirro)

Magaalada Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa gaaray Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiiro katirsan Xukuumadiisa.

Ra’isul Wasaare Roob le iyo wefdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Baraawe.

Rooble ayaa la filayaa inta uu joogo magaalada Baraawe in uu kulamo kala duwan la qaato Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqam magaalada Baraawe.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale la filayaa in uu dhagax dhigo Mashaariic laga fulinayo magaalada Baraawe oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed sidoo kale la filayo in doorashada Aqalka Hoose halkaasi ka dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdii uu horkacayo Wasiirka amniga gudaha oo gaaray Boosaaso (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kursigii Sheekh Shariif la siiyay iyo kursi kale oo la isku heesto oo doorashadiisa dib loo dhigay

Cabdi Cade

Taliye Asad Diyaano oo la kulmay Saaxiibo katirsan beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---