Allbanaadir.com
NEWS

Madaxdii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Waare oo Muqdisho ku shiray (Sawirro)

Waxaa caawa magaalada Muqdisho shir gaar ah ku yeeshay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed , Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo xubno kale.

Kulankan caawa yeesheen Madaxdii hore ee dalka iyo Madaxweynaha Hirshabelle ayaaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Dalka gaar ahaan isbadalka ku dhacay Xukuumada Soomaaliya .
Waxaa sidoo kale kulan caawa ka dhacay Muqdisho looga hadlay Shirka beesha Mudullood ee la filayo in maalinta Isniinta ka furmo magaalada Muqdisho, shirkan ayaana waxaa ka qeyb gali doona madax kala duwan, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Mudulood.
Madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo u muuqda mid xiligan ku kacsan siyaasada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo uu la qaadanayo madax katirsan dowlada iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aabbe muddo 22 sano ah baadigoobayay wiilkiisa oo laga xaday !(Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xisbiyada kumeel gaar ah ee dalka ka jira ma burburinta dalka  ayaa loo dhisay mise?

admin

Hay’adda Cilmi baarista baddaha Soomaaliyed oo digniin culus soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---