Dowlada Soomaaliya oo meesha ka saartay Wel wel ay qabaan Shaqaalaha iyo ciidanka dowlada

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay halka uu marayo dhaqaalaha dalka iyo mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo mashaariicda horumarineed socota.
Ā 
Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uu hadda meel wanaagsan ku socdo uuna rajaynayo in doorashada inta lagu jiro aysan samayn ku yeelan doonin hannaanka nidaamka Maaliyadda dowladda.
Ā 
Wasiir Beyle oo ka hadlayay joogtaynta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada dowladda inta lagu jiro Doorashooyinka ayaa sheegay in aysan ā€ dowladdu wax walwal ah ka qaban bixinta iyo joogtaynta mushaaraadka ilaa sanadka dambe ama dowladda cusub ka imaanaysoā€.
Ā 
Waxa uuna wasiirka meesha ka saaray wel wel ay qabeen qaar kamid ah shaqaalaha dowlada iyo ciidamada oo ku aadanaa in mushaarka la waayo inta lagu guda jiro xiliga kala guurka iyo doorashooyinka.
Ā 
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in hadalkiisa ku saabsan in ā€ Sagxadaā€ dhaqaaluhu yaalloo uu horey u sheegay si qaldan loo fahmay haddana dhaqaalaha dalka uu meel wanaagsan marayo.
Ā 
ā€œArrinta Sagxada maanlintii ā€“ aan sheegay (Dhul-gariir ayaa dhacay ā€“ dad ayaa dabaaldeggay. Siyaasadda iyo Maaliyadda waa wada socdaan. Sagaxda Illaahay ayaa hadda nooga roonaday ā€“ maanta kama walwalayo mushaaraad la bixiyo ilaaa dowlad cusub ka imaanaysoā€. Ayuu yiri Wasiir Beyle.
Ā 
Wasiirka ayaa xusay in kabkii Miisaaniyadda ee dowladda ay siin jireen Heyā€™adda Caalamiga ah iyo saaxiibadda Soomaaliya ay joogsadeen balse lacagaha mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya la siiyo ay socdaan.
Ā 
ā€ Waxaa jirta lacag $1 bilyan oo doollar ah oo uu Bangiga Adduunka bixiyay, qaarna uu soo dayn doono balse waa lacag loogu talagalay kaliya mashaariicda horumarineed, sida caafimaadka iyo kobcinta dhaqaalahaā€ ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -