R/W Rooble oo hal arin oo muhiim ah kala hadlay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland).
 
Rooble ayaana masuuliyiintan uu la kulmay iyo Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi kala hadlay dardar gelinta iyo u diyaar garowga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada waqooyi ku leeyihiin Baarlamaanka Soomaaliya.
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay doorkii ay ku lahaayeen in ay si guul ah ku soo dhammaato doorashada Aqalka Sare , halka ay dhankooda uga mahad celiyeen kaalintii wanaagsaneyd ee Ra’iisul Wasaaruhu ka qaatay howshaas.
 
Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu guda galo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka , waxaana Xukuumada u aragtaa doorashada Aqalka Hoose gobolada Waqooyi in ay ka fududahay kuwa kale ayna suurto gal tahay in iyaga lagu bilaabo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -