Madaxweyne Qoor Qoor oo xaalku ku xun yahay Labo darana mid dooro ay heesato !!

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xiligan wajahaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dhinacyo kala duwan taa oo halis galineysa jiritaanka maamulkiisa.

Qoor Qoor oo maalmo badan magaalada Muqdisho ku sugnaa ayaa ku fashilmay waan waan uu ka dhax waday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana Qoor Qoor lagu tuhmayay in siyaasad ahaan la jiray Farmaajo.

Siyaasiyiin badan iyo waxgarad ayaana kasoo horjeestay siyaasada Madaxweyne Qoor Qoor ee u jan jeertay dhinaca Farmaajo iyo Fahad Yasiin, waxa ayna kula taliyeen xubnahaasi oo u badnaa kuwa ku heyb  ah in  uu cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed balse wuu ka diiday.

Madaxweyne Qoor Qoor intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho waxaa deegaano katirsan Galgaduud abaabul ka waday Hogaankii Ahlu Sunna ee xooga looga saaray Dhuusomareeb kuwaa oo aruursaday hub iyo ciidamo badan.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaana shalay dagaal la’aan la wareegay magaalada Guriceel, waxa ayna hada kusii dhawaanayaan magaalada Dhuusomareeb oo caasimad u ah Maamulka Galmudug uu hogaamiyo Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hada waxaa heesata labo daran mid dooro oo ah in uu waan waan cusub la furo Ahlu Sunna uuna ka qeyb galiyo dowladiisa iyo in dagaal la galo kooxdaasi iskana indha tiro waan waanta loogu baaqayo.

Waxaa sidoo kale Qoor Qoor culees kala kulmaya Siyaasiyiinta Galmudug gaar ahaan kuwa beeshiisa oo horey ula safnaa kuwaa oo ka careesan siyaasadiisa u janjeerta Farmaajo uuna ku maja xabaaninayo Ra’isul Wasaare Rooble.

Madaxweynaha Galmudug ayaana hada wada kulamo iyo latashiyo uu la yeelanayo Madaxda dowlada federaalka, senataro, siyaasiyiin, saraakiil iyo wax garad, waxa uuna kala tashanayaa sidaa loo maareen karo duulaanka cusub ee Ahlu Sunna.

 

- Advertisement -