Dhaqaatiir Qalab casri ah u adeegsanaysa Qaliinada Lafaha iyo Baabasiirka oo Muqdisho la keenay (Daawo Sawirada)

Isbitaalka Caalamiga ee Muqdisho ayaa ku guuleestay in ay magaalada Muqdisho markii ugu horeesay keenaan dhaqaatiir ajnabi ah oo fulinaya qaliino casri ah oo inta badan dalka dibadiisa loo aadi jiray.

Isbitaalka ayaa dalka keenay labo dhaqtar oo u dhalatay dalka Hindiya oo ku takhasusay qaliinada lafaha iyo sidoo kale qaliinada baabasiirka iyo isku furanka, waxa ayna dhaqaatiirtan adeegsanayaan qalab casri ah oon horey dalka loo keenin.

Dr Kiran Kumar ayaa ku taqasusay Qaliinada lafaha lagu sameenayo sida badalida jilbaha, sinaha iyo qaliinada dhaawacyada ciyaaraha, waxaana qaliinadan loo adeegsanayaa qalab casri ah oo lagu magacaabo Arthroscopic , qalabkan ayaana suurto galinaya in qofka maalinta la qalo maalinta xigta uu socdo.

Sidoo kale Isbitaalka Caalamiga ee Muqdisho ayaa dalka keenay Dr Barath Govinda oo isna ku tahashusay qaliinada baabasiirka , waxa uuna dhaqtarka qaliinkan u adeegsanayaa qalab casri ah oo la yiraahdo Stabbler ama Gun Shot oo ah qalab aan wali dalka loogu isticmaalin qaliinada baabasiirka, waxa uuna qalabkan suurto galinayaa in qofka la qalo maalin kadib shaqadiisa ku laabto dib dambana uusan ugu soo laaban baabasiir.

Dr Cawaale Maxamed Cabdulaahi oo katirsan Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Caalamiga Muqdisho ayaa sheegay in dhaqaatiirtan iyo qalabka casriga ah ay keeneen dalka ugu talagaleen in looga faa’iideeyo bukaanada Soomaaliyeed ee aan awoodin in dalka dibadiisa aadaan.

Waxa uu sheegay Dr Cawaale qalabka loo adeegsanayo qaliinada lafaha iyo baabasiirka ay yihiin qalab casri ah oon horey dalka loo keenin, waxa uuna xusay in qofka qalabkan lagu qalo saacado kadib uu awoodayo in uu socdo.

Isbitaalka Caalamiga ee Muqdisho ay ka howl galaan dhaqaatiir ajaaniib ah iyo kuwa Soomaali ah ayaa isku howlay in uu dalka keeno dhaqaatiir kala duwan oo qaarkood dalka dibadiisa loo aadi jiray, waxaana isbitaalka uu adeegsanaa qalab casri ah.

Isbitaalka Caalamiga ee Muqdisho ayaa kuyaala Ex Hotelka Amiira ee kuyaala agagaarka Isgooska Soobe 

Waxii Faah faahin ah kala xiriir :

Tell:0617625656 ama 0619757558 Ama 0612509695

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -