Kulan Xasaasi ah oo xalay dhax maray Madaxweyne Qoor Qoor iyo Fahad Yaasiin

Waxaa xalay kulan xasaasi ah yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo taliyihii hore ee Hada’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji , kulankan ayaana ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Qoor Qoor.

Sida aan wararka ku helnay kulankan ayaa looga hadlay arimo xasaasi ah ay kamid yihiin khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble iyo kiiska Ikraan Tahliil ee sababay khilaafka.

Fahad Yaasiin oo wehliyeen xubno aad ugu dhaw dhaw ayaa wararku sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug ka codsadeen in uu halkiisa kasii wado dadaalada waan waanta ah uu wado sidoo kale garab iyo gaashaan usii ahaado kooxdooda.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa u gudbiyay Fahad Yaasiin iyo xubnaha wehliyay cadaadis xoogan ee uga imaanaya beesha uu kasoo jeedo ee ku aadan in uu cadeeyo mowqifkiisa sidoo kale taageero siyaasada Rooble taas uu sheegay in uusan ku qanacsaneyn.

Lataliyaha cusub ee Amniga Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho kawad kulamo uu taageero ugu raadinayo siyaasadooda, waxa uuna u muuqdaa Fahad Yaasiin mid wali awood badan ku dhax leh dowlada oo shaqeenayaan amaradiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -