Weerar dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay degaan hoostaga Galgaduud

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud Maleeshiyo hubeysan ayaa  rasaas ooda kaga qaaday gaari ay saarnaayeen koox ganacsato ah oo ka ambabaxay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud kuna sii jeeday dowlad degaanka Soomaalida.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Garasle oo hoostaga dowlad degaanka Soomaalida

Waxaa ku geeriyooday weerarkan ugu yaraan labo qof, halka qof oo kalana uu ku dhaawacmay sida ay sheegayaan dadka degaanka

Weerarkan ayaa sababay dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka soo ka soo kala jeeda degaanka Garasle  iyo degmada balanballe galabta halkaas ka dhacay, kaasoo aan la ogeyn khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Weli ma jiro War ka soo baxay maamulada degaanka Soomaalida iyo Galmudug oo la xiriira dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -