Maamulka Taliban oo dalab xasaasi ah u diray shirka Golaha guud ee Q/Midoobay

Taliban ayaa codsatay inay khudbad ka jeediyaan shirka hogaamiyayaasha caalamka ee Qaramada Midoobay todobaadkan oo ka dhacaya magaalada New York.

Wasiirka arrimaha dibedda ee kooxda ayaa codsiga ku soo qoray warqad Isniintii shalay ahayd soo gaartay Guddi ka socda Qaramada Midoobay ayaa go’aan ka gaari doona codsiga Taliban.

Afhayeenkooda fadhigiisu yahay Doha Suhail Shaheen ayaa loo magacaabay safiirka Afghanistan ee Qaramada Midoobay.

Codsiga ka-qaybgalka doodda heerka sare ah waxaa tixgelinaya guddiga aqoonsiga, oo sagaal xubnood ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka, sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay.

Waxay u badan tahay inaysan kulmin ka hor dhammaadka kalfadhiga Golaha Guud ee Isniinta soo socota. Ilaa waqtigaas, sida uu dhigayo sharciga Qaramada Midoobay, Ghulam Isaczai wuxuu sii ahaan doonaa safiirka Afghanistan ee hay’adda caalamiga ah.

Kooxdan oo bishii hore la wareegtay gacan ku haynta Afgaanistaan ​​ayaa sheegtay in ergaygii xukuumaddii la afgambiyay uusan hadda matalin dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -