Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ganacsade caan ah oo noqday senatorkii 6aad ee lagu doortay Magaalada Jowhar

Ganacsade Xassan Iidow Maxamed (Kobac) ayaa ku guuleystay Kursiga Senatarka 6aad ee Aqalka Sare ka soo galaya Hirshabelle ka db doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar.

Xassan Kobac ayaa helay 69 cod halka murashaxii la tartamayay ee Cabdinuur Ibraahim Nuur (Fareey) uu helay 22 cod.

Doorashada oo gaartay labo Wareeg waxaa wareegii Koobaad tanaasulay Murashax Cusmaan Axmed Macow sidaa Waxaa loogu gudbay wareegii 2aad oo uu ku guulaystay Mudane Xasan Iidow Kobac.

Kursigan ayaa tartankiisa aad loogu muransanaa, iyadoo labo ka mid ah Musharaxiintii kursiga ku tartamayay oo uu ku jiro Senatarka Kursigan ku fadhiyay ay maalmo ka hor si carro leh uga tageen Jowhar, iyagoo tirsanayay in Madaxda Hirshabelle ay gacan bidixeynayaan, una rabaan kursiga ninka ganacsadaha ah, inkastoo ay dib u soo laabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dal Yurub katirsan oo Mamnuucay in la gubo Kitaabka Qur’aanka iyo Turkiga oo Sabab u ah

Cabdi Cade

Nin Dhalinyaro ah oo lagu dilay Baladweyne iyo Ninkii dilay oo la qabtay

Cabdi Cade

Ciidamo kasoo goostay Somaliland oo isku soo dhiibay Puntland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---