Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mohamed Hussein Roble ayaa la kulmay Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga.
Rooble ayaa kala hadlay guddigan arrimaha doorashooyinka iyo u diyaar garowga qabashada doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Beelaha Banaadiriga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u balan-qaaday guddigan inuu ka taageerayo sidii ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen.
Guddiga ayaa dhinacooda sheegay iney qaban doonaan doorasho cadaalad ah oo loo siman yahay, ayna ilaalin doonaan shuruucda u degan doorashooyinka dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/6VH1wk5pG1s