Xabsi cusub oo laga dhisayo Dhuusamareeb & Wasiir Fiqi oo dhagax dhigay (Sawirro)

Wasiirka amniga gudaha Galmudug, Axmed Macallin Fiqi oo uu wehliyo taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug ayaa booqasho ku tagay Maanta saldhigga caasimadda Dhuusamareeb.

Wasiirka iyo taliyaha ayaa Dhagax dhigay xabsi si isku-tashi ah looga hirgalinayo Dhuusamareeb,waxaana Gacan ka geysan doono bulshada caasimadda, ciidamada Booliska, wasaaradda amniga iyo qurbajoogta reer Galmudug.

Wasiirka ayaa jaaliyadaha reer Galmudug iyo Dadka caasimadda ugu baaqay in ay Gacan ka geystaan dhismaha xabsigaas muhiimka u ah amniga iyo kala danbaynta Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -