Wasiirka Cusub ee Amniga oo xilka Si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirada)

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa maanta Xilka la wareegay ,ka dib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada xil wareejinta waxaa ka qeyb galay Wasiiro katirsan Xukuumada federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale, waxaana xarunta Wasaarada ka maqnaa Wasiirkii Amniga ee la rabay in uu xilka wareejiyo.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Amniga Xukuumada Soomaaliya Farxaan Cali ayaana si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaarada Amniga Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur .

Xil Wareejinta iyo dhaarinta ka horeesay ee Wasiirka cusub ee amniga gudaha ayaa kusoo aadeysa xili Madaxweyne Farmaajo ka biyo diiday xil ka qaadista lagu sameeyay Wasiirka amniga oo kamid ahaa xubnaha aadka ugu dahwaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -