Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Xubdubey: “RW Max’ad Xusseen Rooble waa Xil-Gaarsiiye ee Xil-Ka qaade ma ahan”

Wasiirka amniga xukuumada Somalia ayaa ka soo horjeestay talaabada uu caawa xilka laga qaaday raisul wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in Rooble uusan awood u laheyn inuu xilka ka qaado.

“PM Maxamad Xuseen Rooble waa Xil-Gaarsiiye ee Xil-Ka qaade ma ahan” ayuu yiri Wasiir Xundubey.

RW Rooble ayaa wasiirka cusub ee amniga u Magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka.

Farmaajo oo ka carooday talaabada lagu bedelay wasiirka amniga ayaa ka soo horjeestay talaabadan, isagoo ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Xaalada dalka ayaa mareysa halkii ugu xumeyd Abid, iyadoo qalaalasaha ka dhex aloosan masuuliyiinta sare ee dalka uu cirka isku sii shareerayo, mana jirto illaa hadda ifafaale muujinaya xal dhow oo khilaafkan lagu daweynayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/bTk5EoOoBvo

Related posts

Madaxweyne Farmaajo & Shiikh Shariif oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Villa Somalia

Caydiid Ali

Abiy Ahmed oo si cajiib ah ula dhaqmay Milatari gadood sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho oo Maxkamad looga yeeray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---