Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Taliyaha cusub ee NISA iyo Saraakiisha amniga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la leh qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada amaanka dalka iyo kuwa Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Ilo wareedyo ayaa allbanaadir Online u sheegay in saraakiisha ka qeyb gashay kulankan ay ka mid yihiin Taliyaha Nabad sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey, Taliyaha Booliska Qaybta guud ee gobolka Farxaan Qaroole, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute iyo Gudoomiyaha Maxkmadda sare ee ciidamada.

Shirka, Waxaa sidoo kale ka qayb ah taliyaha cusub ee Sida KMG ah loogu magacaabay NISA

Warar ku dhow ayaa sheegaya in Rooble uu kala hadlayo xaaladihii ugu dambeeyey dalka iyo qalaalasaha ka dhex bilowday madaxda dowlada.

Rooble ayaa la sheegay inuu faray saraakiisha uu la kulmay iney wada shaqeyn buuxda la yeeshaan taliyaha cusub ee sida KMG ah loogu magacaabay NISA.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida inay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir  in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shimbir lagu iibsaday lacag ka badan Hal Milyan oo Dollar !!(Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo sheegtay inaan la joojineyn howlaha dhismaha jidadka Muqdisho (Akhriso)

Caydiid Ali

Dalalka ka qeyb qaadanaya wejiga labaad ee dagaalka Al-shabaab oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---