Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo caawa lagu garaacay xaafado ka mid ah Magaalada Jowhar

Tiro madaafiic ah ayaa caawa lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe, kuwaasoo la aaminsan yahay iney soo rideen xoogaga Al-Shabaab.

Madaafiicda intooda badan ayaa ku habsaday xaafadaha Horseed iyo Hanti-wadaag, waxaana ka dhashay cabsi iyo khal khal xoogan oo soo wajahay dadka ku dhaqan xaafadahaas.

Labada xaafadood ayaa waxaa degan inta badan Masuuliyiin gobolka Sh/dhexe iyo kuwa Maamulka Hirshabelle, waana meelo amaankooda si weyn loo ilaaliyo.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada intii ay socotay duqeynta.

Lama soo sheegin illaa hadda khasaare ka dhashay madaafiicdan, waxaana ciidamo xoojin ah la dhigay baraha kontrol ee magaalada.

Waa habeenkii labaad ee uu weerar ka dhaco magaalada Jowhar oo la filayo in dhowaan ay ka bilaabato doorashada xubnaha aqalka sare ka soo galaya Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa Gaaray Kampala iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dukaan baahiyay Xayeesiin Caro badan abuurtay oo lagu weeraray South Africa (Sawirro)

Cabdi Cade

Somalia oo ka qeyb galaysa koobka Kubada cagta Adduunka (Akhriso Isku aadka)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---