Weerar lagu dhaawacay Xildhibaano oo caawa ka dhacay magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in weerar bambaano caawa lagu qaaday guri ay degnaayeen xildhibaano katirsan Baarlamaanka Hirshabelle.

Sida aan wararka ku helnay weerarka bambaano ayaa lagu dhaawacay sadex Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Hirshabelle kuwaa oo ku sugnaa guriga bambaanada lagu tuuray oo kuyaalay aag si weyn amaankeeda loo ilaaliyo ayna degnaayeen Musharaxiin.

Ciidamada amaanka ee ku sugnaa meel aan ka fogeyn guriga bambaanada lagu weeraray ayaa rasaas badan furay, lamana oga in ciidamada amaanka soo qabteen dadkii ka dambeeyay weerarka bambaano.

Saddexda xildhibaan ee ku dhaawacantay weerarkan bambaanada ee caawa ka dhacay Jowhar ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Maxamed Muuse,Duwane Faarax Cali iyo Cismaan Cabdulaahi Dhoore.

Weerarkan ayaa imaanaya xili Baarlamaanka Hirshabelle isku diyaarinataan doorashada Senetarada Aqalka Sare ku matalaya Hirshabelle oo dhawaan la filayo in ay ka dhacdo magaalada Jowhar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -