Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW hore oo ku baaqay in guddi madax banaan loo saaro kiiska Dilka Ikraan Tahliil

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku baaqay in la magacaabo guddi madax banaan oo baaritaan ku sameeya dilkii loo geystay Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda Somalia.

“Waa war aad looga naxo inaan maqalnay dilka Ikram Tahliil. Allah ha u naxariisto oo ha siiyo Jannah Fardousa” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Cumar Cabdirashiid.

“Waxaa lagama maarmaan ah in Ra’isul Wasaaruhu isagoo tixgalinayaa kiiskan inuu magacaabo guddii ay ku jiraan dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, loona xilsaaro inay ka gungaaraan xaqiiqada dhabta ah ee arrintan dahsoon” ayuu intaas ku daray.

Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda oo la la’aa tan iyo 26-kii June, waxaana kiiskan ki wareegsan su’aalo fara badan oo illaa hadda aan la heyn wax jawaab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/pe2QxGlMwgE

 

Related posts

Wafdi Hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Ciidamada AMISOM oo qof shacab ah dilay

Cabdi Cade

Xamse oo sheegay hal arrin oo Xukuumadiisu xoogga saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---