Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Mareykanka oo dalka Afganistan ka fulisay Weerar Aargoosi ah

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa weerar dhinaca cirka ah oo u muuqday aargoosi ka fuliyay gudaha dalka Afganistan gaar ahaan goobo ay ku tuhmeyso kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish.

Duqeynta ayaa lala beegsaday goobo bartilmaameed ah oo kuyaala gobolka Nangarhar ee dalka Afganistan, war kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaana lagu sheegay in duqeynta lala helay bartilmaameedkii lala eegtay.

War kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta ogaalkood aysan khasaaro kasoo gaarin dad shacab, waxaana socda qiimeynta khasaaraha duqeynta lala eegtay  kooxda Daacish.

Duqeynta ciidamada Mareykanka ka fuliyeen gudaha Afganistan ayaa ahaa mid aargudasho ah oo dowlada Mareykanka uga jawaabeysay weerarklii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay garoonka Kabul oo lagu dilay ku dhawaad 100-qof ay ku jiraan 13-askari oo Mareykan ah.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta gudaha Afganistan ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadan lagu hoobtay ee labo maalin kahor lagu qaaday albaabada laga galo garoonka diyaaradaha magaalada Kabul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo Faah faahin ka bixisay Duqeyn waqti dheer socotay oo ay la beegsadeen Al Shabaab

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ahaayeen 5-ta xubnood ee Golaha Aqalka sare lagu hor dhaariyey?

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay magacyada saddex Sargaal oo xalay laga dilay kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---