Koox sheegatay qaraxyadii lagu hoobtay ee ka dhacay garoonka Magaalada Kabul

Kooxda Dowlada Islaamka ee Daacish ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadii lagu hoobtay ee shalay ka dhacay nawaaxiga garoonka dayuuradaha Kabul.

Ugu yaraan 60 qof oo shacab ah iyo 13 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay, kadib markiii laba qarax oo is-miidaamin ah lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul, sida ay sheegeen saraakiisha Afghanistan iyo Mareykanka.

Bayaan ay soo saartay kooxda Daacish ayey ku sheegtay in weeraradaas ay  kaga aargudaneysay Maraykanka oo wiiqay awoodii ay kooxdaas ku laheyd dalalka Ciraaq, Siiriya iyo meelo.

Muuqaal Video oo kooxdu soo dhigtay baraha inernetka ayaa waxaa ka soo dhex muuqday nin wejiga soo duubtay oo haysta qori nooca Kalashnikov ah isagoo hor taagan calanka ISIS kaasoo sheegaya in kooxdiisu fulisay weeraradaas.

Wakaalada Daacish u qaabilsan Amaq ayaa ninka weerarka geystay magaciisa ku sheegtay Abd Al-rahman Al-Lughari.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in 12 ka mid ah ciidamada badda iyo hal qof oo ka tirsanaa shaqaalaha caafimaadka ee ciidamada badda ay ka mid yihiin dadka dhintay.

Waxa ay sheegeen in 12 kale oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ay dhaawacmeen, iyagoo sheegay in tiradu intaas ka badnaan karto.

Sidoo kale in ka badan 140 qof oo reer Afghanistan ah ayaa dhaawacmay, sida uu sheegay sarkaal Afganistan ah.

Garabka ISIS ee Afghanistan ayaa aad uga xagjirsan Taliban, oo dhawaan la wareegay gacan ku haynta Afghanistan.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa cambaareeyay qaraxyadan, isagoo sheegay in goobta ay wax ka dhaceen ay tahay meel ay maamulaan militariga Mareykanka.

“Xukunka Islaamiga ah waxa uu si adag u cambaareynayaa qaraxyada lagu beegsaday dadka shacabka ah ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha Kabul,” ayuu Twitter-ka ku yiri Zabihullah Mujahid.

Saraakiisha reer Galbeedka ee ku sugan Kabul ayaa hore uga digay weerar culus, iyagoo dadka ku boorriyay inaysan imaan agagaarka garoonka dayuuradaha, laakiin talooyinkaasi dhag-jalaq uma siin dadka reer Afghanistan oo aad u doonayey inay dalka ka baxaan dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -