Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Taalibaan oo Albaabada ka xiratay Turkiga una sheegtay in aysan u rabin taageeradooda

Kooxda Taalibaan ayaa shaacisay in aysan u baahneyn in ciidamada Turkiga sii joogaan gudaha Afganistan gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul, waxa ayna ugu baaqeen Turkiga in ciidankooda dalka kala baxaan.

Afhayeenka Taalibaan, Dabiixullaahi Mujaahid oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan u baahneyn taageerada ciidamada Turkiga ee jooga garoonka diyaaradaha Kabul, waxa uuna cadeeyay in ay isku filan yihiin una baahneyn taageero dibadda ah.

Waxa uu sidoo kale afhayeenka Taalibaan shaaciyay in ay iska diideen in dowlada Turkiga ciidamo dheeraad ah ugu soo dirto Kabul, waxa uuna cadeeyay in Afganistan aysan u baahneyn ciidamo Turki iyo ciidamo kale oo shisheeye.

Warkan kasoo baxay Taalibaan ayaa kusoo aadaya xili Wasiirka Gaashaandhiga ee dowlada Turkiga, Hulusi Akar sheegay inay Codsi ka heleen Taalibaan si ay Ciiddanka Turkiga u sii joogaan Garoonka diyaaradaha Kabul.

Ciidamada Turkiga oo qeyb ka ahaa Gaashaanbuurta NATO ayaa ka howlgalayay gudaha Afganistan gaar ahaan ciidamada Turkiga ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha Kabul oo ay qaabilsanaayeen dhinaca amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro: Ciidanka Israel oo ku jira gudaha Isbitaalka Al-Shifa ee woqooyiga Gaza

Caydiid Ali

Sidee Xassan Shiikh iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Kismaayo? (Sawirro)

Caydiid Ali

Burkino Faso oo 48 saac u qabatay diblomaasiyiin ka tirsan Safaarada Faransiiska

Caydiid Ali
Taboola Ads ---