Faahfaahin: Qarax ka dhacay agagaarka Xalane & Rooble oo War ka soo saaray

Waxaa soo baxaya Faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan qarax xoog leh oo caawa maqribkii ka dhacay  meel ku dhow albaabka laga galo xerada Xalane oo ka tirsan  degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Qaraxa ayay Wararku sheegayaan inuu ka dhacay Kontrol laga galo xarunta Xalane oo ay degan yihiin wakiilada beesha caalamka iyo safaaradaha reer galbeedka

“Qaraxa waxaa lala beegsaday Maqaayad ku dhow meel lagu qaado canshuurta dowlada hoose” ayuu yiri goob jooge  halkaas ku dhowaa oo la hadlay allbanaadir Online.

Weli ma cadda nooca uu ahaa qaraxaas, iyadoo warar hordhac ah ay sheegayaan inuu ahaa is-miidaamin halka warar kalena sheegayaan inuu loo adeegsaday miino goobta lagu diyaariyey.

Warbaahinta ayey ku adkaatay iney tagaan goobtaas ka dib markii ay xireen ciidamada amaanka DF, mana cadda khasaaraha ka dhashay inkastoo ay jiraan warar sheegaya in dad badan ay ku dhinteen.

“Waxaan cambaareynayaa qaraxii  maanta argagixisada Alshabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaasoo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan. Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina Samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo. Falkan bahalnimada ahi waxa uu muujinayaa  sida argagixisada Alshabaab  ay ugu qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaalanka argagixisada” ayuu yiri RW Somalia Maxamed Xusseen Rooble oo ka hadlay weerarkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -