Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay nabaddoonada iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay odayaasha warbixin guud oo ku saabsan xaaladaha kala gedisan ee deegaanka iyo arrimaha la xiriira dhab-u – heshiisiinta bulshada Galmudug.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyay nabaddoonada iyo odayaasha dhaqanka kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin isu soo dhaweynta ummadda.

Waxaa uu  ku boorriyey sii wadadidda dadaalkooda, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladdiisu ay mudnaan siin doonto dhab-u- heshiisiin waarta oo ka hirgasha guud ahaan Soomaaliya.

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Kursiga Golaha amaanka ee Kenya ku guuleystay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya kula kulmay Haween (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cali Dheere oo ka hadlay qorshe Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah dalka lagu soo gelinayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---