Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo goordhaw Muqdisho soo gaaray (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo degtay Diyaarad ay saran yihiin Wafdi balaaran uu Hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abi Ahmed.

Wafdigan uu hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya , Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Madax kale .

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo Wafdiga la socda ayaa lagu wadaa in loo galbiyo dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uuna halkaasi Ra’isul Wasaaraha Itoobiya kulmi doonaa Madaxwenaha Soomaaliya Farmaajo iyo madax kale.

Booqashadan uu goordhaw Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abi Ahmed ku yimid Soomaaliya ayaa noqoneysa tii ugu horeesay uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii dhawaan la doortay in uu noqdo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay inta ay joogaan Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo wafdiga la socda, waxaana saakay xiran inta badan Wadooyinka Muqdisho oo lasoo dhoobay ciidamo badan oo amaanka sugaya.

 

Goordhaw naga Fisha Sawirro kuwan ka tayo wanaagsan Insha Allah

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaweyne Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qaran ee Wadahadalada Somaliland (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Ciidanka Israel oo tacadiyo culus ka geystay Isbitalka Kamal Adwan

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo soo bandhigtay qaar ka mid ah odayaashii soo xulay Baarlamanka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---