Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed oo kulan Xasaasi ah la qaadanaya Madaxweyne Erdogan

Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Ahmed Ali iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah gaaro dalka Turkiga kadib casuumad uu ka helay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.
 
Abiy Ahmed ayaa marka uu tago dalka Turkiga kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dalkaasi uu ugu sareeyo Madaxweyne Erdogan uu kala hadli doono xaalada siyaasadeed ee Itoobiya iyo xiriirka labada dal.
 
Booqashada Abiy oo noqonaysa tii ugu horeysay ee uu Turkiga ku tago ayaa kusoo aadeysa xili xaalad siyaasadeed iyo colaad ka aloosan tahay Itoobiya, waxa ayna Xukuumada Adis Ababa dagaal kula jirta kooxda TPLF ee ka dagaalanta Waqooyiga Itoobiya.
 
Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale Xiisad salka ku heysa muranka biyo xireenka Wabiga Niil waxa uu kala dhaxeyaa dowladaha Masar iyo Sudan , waxaana marar badan guul dareestay dadaalo xal loogu raadinayay murankan.
 
Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa laga yaabaa in taageero u fidiyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayna labada dhinac kawada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -