Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Masuul katirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo goordhaw Qarax lagu dilay

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  Qarax Nuuca miinada dhulka lagu aaso oo goordhaw lagu dilay Gudoomiyihii Deegaanka Garasbaaley ee Gobolka Banaadir Maxamed Abuukar Afrax.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa lagu dilay Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaley ayaa ka dhacay  inta u dhaxeysa Degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey Gaar ahaan waaxda Fooriloow.

Qaraxan ayaa gudoomiyaha markii hore waxaa kasoo gaaray dhaawac culus, waxaana markii loola cararay isbitaalka la sheegay in markii dambe Gudoomiyaha u geeriyooday dhaawacii qaraxa kasoo gaaray.

Gudoomiyaha qaraxa lagu dilay ee Deegaanka Garasbaaley  Maxamed Abuukar Afrax ayaa xilkan loo magacaabay 30 kii Bishii May ee Sanadkan, waxa uuna bedelay Gudoomiyihii ka horeeyay Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare oo isna qarax miino lagu dilay.

Qaraxyo miino ayaa sidan oo kale horey loogu dilay masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Garasbaaley ee kuyaala duleedka Muqdisho, mana muuqato talaabooyin wax looga qabanayo qaraxyada lala beegsado masuuliyiinta mamaulka Garasbaaley.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo ay diyaarisay Al-Shabaab oo la fashiliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Meydad saaka lagu arkay xeebta magaalada Boosaaso iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Al Shabaab oo qarxisay Ceel biyood kuyaalla deegaan Dhawwaan laga saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---