Caro xoogan oo ka dhalatay Bahdil loo geestay Diblumaasi Cabdiraxmaan Ibraahim

Dowlada Nageria ayaa si weyn uga carootay bahdil iyo xadgudub ciidamada amaanka dowlada Indonesia u geesteen Diblumaasi Cabdiraxmaan Ibraahim oo ka shaqeeya qunsuliyadda ay Nigeria ku leedahay magaalada Jakarta.

Muuqaal la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa muujinaya iyadoo ay 4 Sarkaal oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka ee Indonesia u gacan qaadayaan Diblomaasigan, xilli ay Saraakiisha Hawlgalo lagu hubinayey Sharciyada Shisheeyaha ku nool dalkaasi ka wadeen Jakarta.

Ciidamada Indonesia ayaana Diblumaasigan Nageria u dhashay madaxiisa ku cadaadiyeen Kursiga gaarigii uu watay, waxaana la maqlayey Diplomaasiga oo ku cataabayo “Ma awoodi kara neefsasho “

Dowlada Nageria ayaa si adag u cambaareesay falkan lagula kacay diblumaasi Cabdiraxmaan Ibraahim, waxa ayna Xukuumada Nageria falkaasi ku tilmaantay fal dambiyeed caalami ah  .

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Nageria ayaa warqad cabasho ah u dirtay Indonesia, waxaana ay ku sheegtay in qaabka loola dhaqmay diblumaasiga ay meel ka dhac ku tahay xeerka caalamiga ah iyo axdiga Vienna ee haga xiriirka diblomaasi ee u dhexeeya dalalka.

Shacabka Nageria ee daawaday Muuqaalkan laga duubay diblumaasiuga Ngaeria ee sida foosha xun ula dhaqmeen ciidamada Indonbseia ayaa si weyn uga carooday falkaasi, waxa ayna dowlada ugu baaqeen in talaabo sharci ah qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -