(Sawirro) Ciidamada Ruushka oo dagaalka Ukraine u adegesanaya xeelado cusub

Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushku ay dib u gurasho degdeg ah ka sameynayaan aagga waqooyi ee ku hareereysan caasimadda Kyiv iyo magaalada Chernigiv xilli ay hay’adda Laanqeyrta Cas isku diyaarineyso dadaal cusub oo ay dadka kaga daadgureyneyso magaalada go’doonsan ee Mariupol ee koonfurta dalkaasi.

Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushku ay isku urursanayaan bariga iyo koonfurta dalkaasi, maalin kadib markii kumannaan qof oo ku noolaa magaalada Mariupol iyo agagaaraha goobaha uu Ruushku haysto ay ku baxsadeen kolonyo basas ah iyo baabuur gaar loo leeyahay.

“Ruushku waxa uu mudnaanta siinayaa xeelad kale: in uu awooddiisa isugu geeyo bariga iyo koonfurta” ayuu farriin uu baraha bulshada soo dhigay ku yiri la taliyaha Madaxweynaha Ukraine Mykhaylo Podolyak.

Waxa uu sheegay in inkastoo ciidamada Ruushku ay dib uga guranayaan caasimadda Kyiv iyo magaalada Chernigiv, in ujeedkoodu yahay in “ay maamulaan dhul ballaaran oo ay qabsadeen kana sameystaan saldhigyo xooggan.”

Podolyak ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay “halkaasi degi doonaan, kana sameysan doonaan difaaca hawada, si aad ahna u yareyn doonaan khasaaraha” ka soo gaara dagaalka.

“Haddii aynaan helin hub culus, ma awoodi doonno in aan (Ruushka) saarno,” ayuu ku qoray Twitter-kiisa.

Dhanka kale, magaalada Mariupol ayaa muddo toddobaadyo ah la tacaaleysa duqeymaha ciidamada Ruushka, iyadoo ilaa shan kun oo dadkii magaalada ku noolaa ah la dilay sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Qiyaastii 160,000 oo wali ku sugan magaalada ayaa cuntada iyo biyuhuba gabaabsi ku yihiin, iyagoo wajahaya koronto la’aan.

- Advertisement -