Haweeneydii ugu Horeesay oo kamid noqoneysa Aqalka sare oo goordhaw la doortay

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa goordhaw magaalada Baydhabo ku doortay Senator ZamZam Ibraahin Cali oo horey uga tirsaneed Xildhibaanada Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday.

Senator Zamzam Ibraahim Cali ayaa  heshay 81-cod halka Shariifo Xaaji Cusmaan oo la tartameysay iyana heshay 4-cod kaliya ,waxaana halabaabay 7-cod kale , waxaana sidaasi Zamzam noqotay Senataradii ugu horeysay ee ka soo baxda Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale magaalada Baydhabo ka socota Doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Koonfur Galbeed, waxaana maanta kaliya Baydhabo lagu dooran doonaa ilaa 5-Senatror oo Aqalka Sare kamid noqonaya.

Zamzam ayaana noqoneysa haweeneydii ugu horeesay oo kamid noqoneysa Aqalka Sare ee la doorto, waxaana doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Kismaayo lagu doortay afar Senator oo wada rag ah,

Doorashada Aqalka Sare ee ka socota Magaalada Baydhabo ayaa ah mid aan xamaasad badan laheyn, waxaana inta badan lasii ogyahay in xubnaha kusoo bixi doona doorashada hada socota.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -