Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal goordhaw ka dhacay xaafad katirsan Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw Suuqa Balka ee xaafada Juungal ee degmada Yaqshiid ka dhacay dagaal khasaare geestay oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya .

Sida aan wararka ku helnay dagaalkan ayaa dhax maray ciidamada maamulka Yaqshiid iyo ciidamo kale oo booliis ah kuwaa isku qabsaday lacago canshuur ah oo laga qaado gaadiidka keena balka Suuqa degmada Juungal

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ciidamada is qab qabsi kadib ku dagaalameen gudaha Suuqa, waxaana dagaalkan la sheegay in ay ku dhinteen labo qof halka tiro kalana ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa markii dambe istaagay kadib markii qaar kamid ah ciidamadii dagaalamay goobta isaga tageen, waxaana dagaalkan saameyn ku yeeshay ganacsigii ka jiray suuqa lagu dagaalamay.

Magaalada Muqddisho waxaa mararka qaar ka dhaca dagaal dhax mara ciidamada dowlada kawada tirsan, dagaaladan ayaana inta badan waxa ay khasaaro kasoo gaaraan dad shacab ah oon waxba galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa magacaabay La-taliyaal cusub (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo soo saaray digniin cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Amrullah oo ku dhaawacmay qarax lagu weeraray Kolonyo uu la socday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---