(Daawo Sawirro) Maamulka K/Galbeed oo 15 kun oo dollar ku abaalmariyey Max’ed Xasan (Sandheere)

Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa gudoonsiiyey Abaalmarin lacageed oo gaareysa $15,000 (Shan iyo Toban Kun oo Dollar) Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) oo ahaa sarkaal ka soo goostay Al-shabaab kaasoo bishii Janaayo ee Sanadkan isku soo dhiibay Maamulkan

Xaflad xalay lagu qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sarkaalkan waxaa lacagta guddoonsiiyey Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).

Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) ayaa sheegay in sababta uu Al-Shabaab uga soo baxay ay aheyd inay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isaga la soo goostay gaari nooca dagaalka ah ee loo yaqaano Cabdi bilaha oo uu uu ku xirnaa qori Dhashiike ah.

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in sababta lacagtaas loo siiyey sarkaalkan ay tahay inay inay dhiiragelin u noqoto saraakiisha la midka ah ee doonaya in ay isku soo dhiibaan Maamulka

Waa markii ugu horeysay oo Sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab la gudoonsiiyo lacagta intaas la eg, waxaana sarkaalkan oo warabahinta la hadlay uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay abaalmarinta la guddoonsiiyey isagoo u mahad celiyey maamulka koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -