Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa magacaabay La-taliyaal cusub (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay La-Taliyeyaasha Arrimaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

1. Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Dastuurka.
2. Mudane Axmed Cabbaas Axmed La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La-Taliyeyaasha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’ado kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan iyo aqoon u leeyihiin howlaha uu Madaxweynuhu u igmaday ee Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka.

https://www.youtube.com/watch?v=9dmw8Q9UnFA

Related posts

Maxaa Sababay in Kenya ay soo celiso dayuurad uu la socday Wasiirka amniga Somalia?

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo kulamo la qaatay madaxda Hay’addaha TIS iyo TIKA (Sawirro)

Cabdi Cade

Markab weyn oo sida Shidaal oo kusoo xirtay Dekadda Boosaaso (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---