Wefdi sare oo ka socda Taliban oo gaaray Shiinaha lana kulmay Madax sare (Sawirro)

Wefdi heer sare ah oo ka socda kooxda Taliban ee ka dagaalanta dalka Afganistan ayaa gaaray dalka Shiinaha, waxaana wefdigan wadahadal la yeesheen masuuliyiin sar sare oo katirsan Dowlada Shiinaha.

Mullah Abdul Ghani Baradar, oo ah hogaamiyaha Siyaasadda kooxda Afgaanistan ayaa hogaaminayay wefdiga tagay Shiinaha, waxa uuna hogaamiyahan kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Shiinaha Wang Yi iyo xubno kale oo kamid ah dowlada.

Shiinaha iyo Taliban ayaa kawada hadlay arimo badan ay ugu horeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Afgaanistan, waxa ay sidoo kale Shiinaha kala hadleen wadahadalada u socda Taliban iyo Dowlada Afgaanistan.

 

Dowlada Shiinaha ayaa sidoo kale kooxda Taliban ugala hadashay sidii loo ilaalin lahaa maalgashiga mashaariicda ay ka fulisay Pakistan oo ay jaar yihiin dalka Afghanistan, oo horey kooxo xiriir la leh Taliban weeraro ku qaadeen.

Shiinaha oo kamid ah dowladaha Caalamka ugu tunka weyn ayaa markan doonaya in gacan ka geestaan nabad kusoo dabaalida dalka Afgaanistan oo ka baxeen ciidamada Mareykanka sidoo kale isku sii fidinayaan kooxda Taliban.

In this photo released by China???s Xinhua News Agency, Taliban co-founder Mullah Abdul Ghani Baradar, left, and Chinese Foreign Minister Wang Yi pose for a photo during their meeting in Tianjin, China, Wednesday, July 28, 2021. China’s foreign minister has met with a delegation of high-level Taliban officials as ties between them warm ahead of the U.S. pullout from Afghanistan. (Li Ran/Xinhua via AP)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -